updated 7:33 AM MST, Nov 17, 2017

Sidii loo dabagalay Cali Cumar oo loo hasyto afduubkii wariyaha Reer Kanada isaga oo Khiyaano lagu geeyay Kanada

  • Published in Dhacdooyinka


OTAWA-(Dilla Press)21kii bishii 6 aad 2016  ayaa Cali Cumar lagu xidhay Magaaladda Otawa ee wadanka Keneda shansono oo dabagal qarsoon oo

lasiyaasadaynaayay  sidii Kanada loo keeni lahaa ee loo xirilahaa. Waxaa maxkmada la horkeeni doonaa bisha 10 naad 2017

Sida wax u dhaceen hoos kala soco dhacdooyinka oo taariikhaysan:


25 .6.15 ayaa askari dharcad ah oo ka tirsan  RCMP Keneda oo u sheegtay inuu yahay qaraabada   Lindhout oo gabartii

wariyaha ahayd ee ay afduubteen uu soo wacay Cali Cumar (Adam) isaga oo si qabow ula hadley waydiiyayna waxa uu ka rabo

qoyska Amanda Lindhout, Cali Cumar waxa uu bilaabay inuu ka hadlo si lama filaan afduubkii haweenayda reer kanada

,waxaanu sheegay inuu hayo waraaqo ay qortay xiligii ay afduubnayd oo uu rabo inuu kaga gado   $15,000 U.S. dollar,

waxa kale oo uu u sheegay askariga dharcadka ah oo loo soo gaabiyay magaciisa (A.K) Buug uu ka qoraayo Taariikhda

dhibaayooyinka Soomaaliya ka dhacay.



29  6. 2010 Ayaa askarigii dharcada (A.K) ahaa waxa uu soo wacay markale  Cali Cumar (Adam) waxaanu u sheegay in laga

yaabo inay ka iibsato waraaqaha laakiin ayu baahan waqti ay kaga soo fakirto, Cali cumar ayaa waxa uu email ahaan ugu

diray kopy waraaqaha kamida si ay u qiimayso.


Bishii 7 aad 2010 ayaa waxa uu diray dhowr bog oo scan ah Cali cumar.

9.2.2010 Ayaa waxa la soo xiriiray Askarigii dharcadka ahaa (A.K.) Waxaanu u diray Email isaga oo soo waydiiyay inuu

faahfaahin ka bixiyo  waraaqahaasi,waxa kale oo uu AK u sharaxay inuu xiisaynaayo buuga uu qoraayo Cali Cumar.

Cali Cumar ayaa waxa uu u sheegay in buugu ku saabsan yahay Taariikhdan Soomaaliyaa iyo Xasuuqyadii ka dhacay taasi oo

ka dhigi karta maalqabeen weyn.


9.4.201O Aayaa AK waxa uu cali cumar u diray Email waxaanu u sheegay in Amanda reer koodu aanay lacag badan haysan.Waxa

uu waydiiyay Cali Cumar inuu soo kormeero qoraaka buuga ,isaga oo u sheegay inuu saaxiibkiis oo ka shaqeeya daabacaad

uu u diridoono.

11.6.2010. Cali cumar ayaa waxa uu soo diray 16 bog Koobiyo waraaqaha Amanda ah iyo falanqaynta buuga

12.2010 A.K waxa uu aadam ku wargaliyay in madbacadda daabacaysa buuga ay xiisaynayaan buugiisa. Cali Cumar oo markii

hore qarinaayay   Magaciisa ayaa shaaca ka qaaday magaciisa dhabta ah oo seddexan, waxaanu yiri magacaygu waa

Cali Cumar Cadar ee (ADAM) layma yiraahdo.Waxa uu u diray Hordhaca buuga iyo Koobi shahaado uu ka qaatay Jaamacadda

Afrika ee Soomaaliya,waxa uu kala hadley inuu rabo waxbarasho Martarka oo xiriirka caalamiga ah wadanka Kanada.


12.20.2010. AK ayaa waxa uu Cali Cumar u sheegay inuu u soo raadin doono Barnaamijyadda waxbarasho ee Kanada.


4.21.2011 A.K ayaa waxa uu usoo diray 5 program oo jaamacadaha Keneda ka baxa.

5.9.2011. Cali Cumar suaalihiisii ahaa magangalyo weydiisiga Kanada. A.K ayaa waxa uu ugu jawaabay inaanu waxba ka

aqoon arimaha magangalyadda ee Keneda.laakiin waxa uu kula taliyay inuu haayada Qaramada madoobay u qaabilsan Qaxootiga

weydiisto.


Bishii 8.9keedii  2011 ayaa waxa uu Cali Cumar u soo diray A.K email jawaaba oo uga yimid Hayadda qaxootiga ee Qaramada

midoobay oo u sheegtay inaanu xaq u lahayn magan galyo maadaama uu wadankiisa ka baxa kicin.
Cali Cumar ayaa waxa uu dadaal usii waday  siidii xaaskiisa iyo shan caruura oo uu dhalay wadanka uga saari lahaa.
 Maarso 21 2012 ayaa A.K waxa uu ku qalqaaliyay sidii ay u saxeexilahaayeen heshiish ay la galaan shirkada daabacaysa

buuga, waxaanu u sheegay in shirkadan uu xiriirka la leeyahay intercon Communications, ay la qaadi doonaan lacag dhan

10% halkii ay ka qaadi lahaayeen 15%

4.2012 Ayaa AK waxa uu u sheegay inay Dubai ku kulmi doonaan hadii ay suurta galtahay

9.11.2012 ayaa Cali Cumar ayaa diray email uu ku weydiinaayo suurta gal nimada kulanka Dubai.
 A.K ayaa waxa uu weydiiyay Cali kooyi hordhaca buuga oo dhamaystiran inta aanay u gudagalin talaabada labaad.Mudo yar

kadib ayaa A.K waxa uu ku war galiyay Cali Cumar inuu Hindiya u socdaalayo bisha shanaad oo ay ku kulmi karaan

Jaziirada Mauritius ee Afrika u dhow.


23 5.2013 Cali Cumar Cadar iyo A.K ayaa waxa ay ku kulmeen huteel Hilton oo lagu raaxaysto kuna ayaal jaziirada

Mauritius. A.K ayaa ka bixiyay kharashka huteelka iyo tigidhkaba waxaanu waxaanay la xiriireen bilayskajasiirada oo ka

warqabay arintooda.Markii qureecdii subaxda la gaaray ayuu Cali Cumar u xog waramay A.K waxaanu u sheegay in budhcadii

afduubtay Amanda ay  dhowr saacadood kadib kulmeen, waxaanu  sheegay inay weydiisteen inuu u noqdo Turjubaan iyo

dhexdhexaadiye. laakiin aanu wax aqoona u lahayn sidii loo afduubay, waxa kale oo uu sheegay inuu noqday kooxda

"maskaxdooda" iyo inuu duubay filim oo uu u diray Aljazeera, dabadeedna laba nin ayaa saxeexay heshiishkiii
Luulyo 9 keedii 2013  ayaa A.K oo uu jawaab ka sugaayay magangalyo doon Cali Cumar, ayuu ugu soo jawaabay inaanu wax

xiriira ka hayn dawladda . Wakhtigan waxa uu Cali Cumar ugu wacaayay Askariga dharcadka ah ee A.K walaalkii iyo

saaxiibkiisa qaaliga ah.

12.2013 A.K waxa uu kula taliyay hadii uu saxeexo buuga inuu heli doono 10,000 oo doolar toban kun oo doolar,waxaanu u

soo jeediyay in lacagtu badbaadin doonto magangalyadiisa.

2014.A.K ayaa waxa uu u sheegay Cali Cumar Cadar inuu wadna xanuun la ildaran yahay, oo ay dib u dhigaan qorshaca

daabacaadda buuga.,Xaqiiqadii  RCMP waxa ay u baahnayd wakhti badan oo ay ku qorsheeyaan sidii Cali Cumar loo keeni

lahaa kanada.


Bishii 6 aad 9 keedi 2015 ayuu  Cali Cumar ka soo degay magaaladda Halifax halkaasi oo laga saaray diyaarad khaasa oo

gaysay Ottawa, waxa uu kula kulmay Hutel ku yaal Madaarka A.K oo hadiyadd ahaan u siiyay buug Amanda qoray.Cali Cumar

ayaa u sheegay A.K inuu rabo in Amanda uu ka raali galiyo ficiladiisii Soomaaliya .
A.K ayaa waxa u sheegay inay saamaxday marhore Amanda.

10.6.2015 Cali Cumar iyo A.K ayaa waxa ayaa kukulmay qol huteelka ah sidii ay ula kulmi lahaayeen  “Chris” oo ah askari

dharcad ah oo matalaayay madbacad beenbeena, waxaanay ka duubayeen Kamarad qarsoon ,Chris ayaa waxa uu u soo bandhigay
Heshiishka daabacaadda iyo xuquuqda daabadaa  $234,000 lacag gaaraysa iyo inay duubayaan filim dhukumantari Amanda  

Lindout afduubkeedii ku saabsan.

Chris ayaa  A.K u sheegay inuu  Cali Cumar kala sidii uu si dhamaystiran uga hadli lahaa qisa afduubka Amanda Lindhoud
si shirkadu iskaga ilaaliso inay daabacaan wax qalada.

Cali Cumar Cadar ayaa daaha ka qaaday qisadiisi waxanu u sheegay
in saacado kadib ay kulmeen kooxdii afduubatay Amanda

Lindhout iyo ninkii Australiyanka ahaa ee Nigel Brennan; kadibna ay kula heshiiyeen inuu u noqdo Turjubaan iyo

dhexdhexaadiye taasi oo ay siiyeen qayb kamida lacagta madaxfurashada.Cali Cumar Cadar yaa sheegay inuu Lindhaut

hooyadeed u sheegtay magaca "Adam"

Waxa Soo tur jumay Jamal





 

Tagged under Somalia
 
 

 

Google+